Wasiirka Diinta Somaliland: "Aqoonsiga Somaliland difaac buu u baahan yahay, qof walbana waa inuu doorkiisa qaataa"

Saturday April 18, 2026 - 02:02:58
hadhwanaagnews
Aqoonsiga Somaliland runtii dagaal fara badan iyo dacwad fara badan a



Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Daahir Jaamac (Baashe), ayaa sheegay in ay jiraan dadaallo iyo loollan xooggan oo ka dhan ah aqoonsiga Somaliland, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in si mideysan loo difaaco.


 

Wasiirku waxa uu xusay in dawladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay wakhti badan gelisay sidii ay uga hortagi lahayd aqoonsiga Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay mid aan faa’iido u lahayn iyaga, maadaama ay jiraan caqabado kale oo gudaha ah oo u baahan in wax laga qabto.


 

"Aqoonsiga Somaliland runtii dagaal fara badan iyo dacwad fara badan ayaa ku socota. Dawladda Soomaaliya ee Xamar fadhida wakhti fara badan ayay ku bixisay inay la dagaalanto aqoonsiga Somaliland, taasina khasaare ayay ku tahay, maadaama ay jiraan arrimo badan oo gudaha ah oo ay wax kaga qaban lahaayeen,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Baashe.


 

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo culimada Somaliland ay diyaar u yihiin inay difaacaan aqoonsiga, isla markaana ay muhiim tahay in bulshada oo dhan ay ka qayb qaadato.


 

"Annagu ahaan ahaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo culimada dalka, dhufayskayaga waanu ku jirnaa, halkaasna lagama soo gudbi karo. Aqoonsiga nin walba waa inuu halka uu joogo ka difaacaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.


 

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada siyaasadeed ee la xidhiidha aqoonsi raadinta Somaliland, iyadoo madaxda iyo bulshada loogu baaqayo midnimo iyo iskaashi ku aaddan arrintaas.

     
Loading...