DEG DEG: Madaxweyne Xasan Oo Kulan Xasaasi ah la Qaatay Ra'iisul Wasaaraha Serbia

Saturday April 18, 2026 - 16:40:49
HADHWANAAGNEWS
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga


No photo description available.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Serbia, Đuro Macut, xilli ay ku sugnaayeen dalka Turkiga.


 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iyada oo la isla falanqeeyey sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida siyaasadda, dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah.


 

Labada masuul ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xidhiidhka labada dal, isla markaana la ballaariyo wada shaqaynta mustaqbalka, si ay uga faa’iidaystaan danaha guud ee labada shacab.


 

Kulankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada caalamiga ah, gaar ahaan wadamada Yurub iyo kuwa kale ee muhiimka ah.

     
Loading...