HADHWANAAGNEWS
Maamulka gobolka Banaadir ayaa amar culus dul dhigay ganacsatada ka caga-jiidaya qaadashada lacagta Shilling Soomaaliga, kaddib markii toddobaadkan la joojiyay isticmaalka lacagtii kunka Shilling ahayd oo ahayd tii ugu dambaysay ee si rasmi ah dalka looga isticmaali jiray.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Muungaab, ayaa ganacsatada si cad ugu amray inay qaataan Shilling Soomaaliga, isaga oo ku tilmaamay amar dawladeed oo aan la diidi karin, laguna doonayo in dib loogu soo nooleeyo kalsoonida lacagta qaranka.
Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada ayaa dhankooda ku doodaya in lacagta Shilling Soomaaliga ay aad u duugowday, islamarkaana ay noqotay mid jeex-jeexan oo aan suurtagal ahayn in si sahlan loo isticmaalo, taas oo caqabad ku ah ganacsiga maalinlaha ah.
Arrintan ayaa muujinaysa caqabadda weyn ee ka jirta nidaamka lacagta dalka, iyadoo Soomaaliya ay halis ugu jirto inay noqoto dalka keliya ee Geeska Afrika ku yaalla ee aan lahayn lacag qaran oo si buuxda uga shaqaysa gudaha dalka.
Khilaafkan u dhexeeya maamulka iyo ganacsatada ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeesho dhaqaalaha iyo kalsoonida guud ee suuqa, haddii aan xal waara laga gaarin xaaladda lacagta.