DEG DEG: Wasiirka Caafimaadka Oo Amar Cusub Soo Saaray – Carruurta Si Bilaash Ah Ha Loo Daweeyo

Wednesday April 22, 2026 - 18:49:28
HADHWANAAGNEWS
"Waxaan amrayaa in agaasimayaasha cusbitaalada dowladda



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir, ayaa ku dhawaaqay amar cusub oo muhiim ah oo ku saabsan daryeelka carruurta xanuunsan ee la geeyo goobaha caafimaadka dowladda.


 

Wasiirku waxa uu faray agaasimayaasha cusbitaalada dowladda inay si buuxda oo bilaash ah u daweeyaan carruurta xanuunsan marka ay waalidiintoodu keenaan xarumaha caafimaadka ee dowladdu maamusho.


 

"Waxaan amrayaa in agaasimayaasha cusbitaalada dowladda ay carruurta xanuunsanaysa si bilaash ah u daweeyaan marka ay waalidkoodu keenaan goobaha caafimaadka, waana ballanqaadayaa in hawshaas la fuliyo inta aan wasaaradda joogo,” ayuu yidhi Wasiirku.


 

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in adeeggan hore u jiray, balse hadda si rasmi ah loo xoojinayo loona hubinayo in si dhab ah loo fuliyo.


 

Hadalka Wasiirka ayaa ka soo baxay munaasibad lagu dhagax-dhigayay dhismaha Ururka Ubad Gargaar, oo ka shaqeeya arrimaha caafimaadka carruurta, taas oo muujinaysa muhiimadda ay xukuumaddu siinayso daryeelka ubadka.


 

Tallaabadan cusub ayaa la filayaa inay wax weyn ka tari doonto badbaadinta carruurta iyo kor u qaadista adeegyada caafimaadka ee dalka, iyadoo waalidiinta ka yarayn doonta culayska dhaqaale ee daaweynta.

     
Loading...