HADHWANAAGNEWS
Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, Mudane Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug (Boosh-cade), oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan guddida gurmadka roobabka iyo maamulka Degmada Axmed Dhagax, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay goobaha ay saameeyeen roobabkii ka da’ay caasimadda.
Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray:
Waddooyin ay biyuhu xidheen
Meelaha ay daadadku waxyeello ka gaadhsiiyeen
Goobaha u baahan faragelin degdeg ah
Mas’uuliyiintu waxay si gaar ah u qiimeeyeen heerka dhibaatada, iyaga oo indho-indhayn ku sameeyay xaafadaha iyo waddooyinka ay roobabku saameeyeen, si loo helo xal waara oo degdeg ah.
Sidoo kale, waxa la falanqeeyay waddooyin hore u xidhnaa oo u baahan dib u dhis iyo dayactir, si ay bulshada ugu adeegaan si hufan.
Kulanka kadib, waxa la isla qaatay:
In si degdeg ah loo furo waddooyinka xidhan
In la nadiifiyo biyo-mareennada
In la hagaajiyo goobaha dhibaatadu ka jirto
Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo guddida gurmadka roobabku waxay bulshada u xaqiijiyeen inay sii wadi doonaan dadaallada lagu yareynayo waxyeellada roobabka, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo badqabka shacabka iyo isu socodka gaadiidka.