Dawladda Hoose ee Hargeysa oo shaacisay qorshe lagu beerayo 40,000 oo geed caasimadda

Saturday April 11, 2026 - 22:33:40
hadhwanaagnews
Sidoo kale, Xoghayaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda



Hargeysa (Hadhwanaag News) – Dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa shaacisay qorshe ballaadhan oo lagu beeri doono 40,000 oo geed guud ahaan magaalada, taas oo qayb ka ah ololaha dhir-beerista ee la qorsheeyey 15-ka Abril, 2026.


 

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, Mudane Mukhtaar Maxamuud Gaaxnuug, ayaa sheegay in barnaamijkani yahay mid lagu horumarinayo bilicda iyo deegaanka caasimadda, isla markaana lagu gaadhayo hadafka ah in Hargeysa noqoto magaalo cagaaran oo qurux badan.


 

Waxa uu tilmaamay in qorshahan uu yahay mid muhiim u ah horumarinta muuqaalka magaalada, isaga oo yidhi:


"Inaga oo barnaamijkeenu yahay sidii magaalo cagaaran oo bilicsan aynnu u heli lahayn.”


 

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda dhir-beeristu u leedahay la tacaalidda isbeddelka cimilada, isaga oo xusay in geed-beeristu door weyn ka qaadato ilaalinta deegaanka iyo hagaajinta nolosha bulshada.


 

Waxa uu intaa ku daray in Dawladda Hoose ay qorshaynayso in 40,000-ka geed lagu qaybiyo laguna beero dhammaan sagaalka (9) degmo ee caasimadda Hargeysa, iyo sidoo kale goobaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah (IDPs).


 

Qorshahan ayaa la filayaa inuu ka qayb qaato yaraynta saameynta isbeddelka cimilada, isla markaana sare u qaado bilicda iyo nadaafadda magaalada Hargeysa.

     
Loading...