hadhwanaagnews

Duqa xilka wareejinaya ee Hargeysa ayaa kulan isbarasho iyo dardaaran ah la yeeshay maayarka cusub iyo maayar ku xigeenka cusub ee xilka la wareegaya, iyadoo ay ka soo qayb galeen madaxda kala duwan ee Dawladda Hoose, oo ay ku jireen guddoomiyeyaal, agaasimayaal iyo madax xafiiseedyo.
Kulanka ayaa ku qabsoomay jawi xushmad, wadajir iyo masuuliyad leh, waxaana diiradda lagu saaray muhiimadda sii wadista adeegyada bulshada, xoojinta wada shaqaynta hay’adaha dowladda hoose iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee caasimadda.
Maayarkii xilka wareejinayay ayaa hoggaanka cusub kula dardaarmay inay mudnaanta siiyaan adeeg hufan, daahfurnaan iyo u adeegidda bulshada, isaga oo sidoo kale uga mahadceliyey shaqaalaha iyo madaxda dowladda hoose kaalintii ay ka qaateen horumarinta iyo bilicda magaalada sannadihii la soo dhaafay.
Dhankooda, maayarka cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonaan qorshayaasha horumarineed ee socda, isla markaana ay kor u qaadi doonaan wada shaqaynta ka dhaxaysa maamulka, shaqaalaha iyo bulshada reer Hargeysa si loo dardargeliyo adeegyada iyo horumarka magaalada.