hadhwanaagnews

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey ee booqashada rasmiga ah ku jooga dalka Israa’iil, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha Israa’iil, Mudane Nir Barkat.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale, maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay fursadaha cusub ee maalgashi iyo kobcinta wax-soo-saarka Somaliland.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarinta maalgashiga shirkadaha Israa’iil ee Somaliland, kor u qaadista doorka Dekedda Berbera iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah (Free Zone), taageeridda ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, casriyeynta dhoofka xoolaha iyo wax-soo-saarka beeraha, iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka.
Madaxweyne Cirro iyo xubno ka mid ah weftigiisa ayaa kulanka ku soo bandhigay fursadaha maalgashi, ganacsi iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland hodanka ku tahay, iyagoo adkeeyey sida ay Somaliland ugu furan tahay iskaashi dhaqaale iyo maalgashi caalami ah.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey sidii loo abuuri lahaa jawi ganacsi oo soo jiita maalgashadayaasha, isla markaana loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee faa’iidada u leh labada dal iyo shacabkooda.
Kulankan ayaa qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo is-dhaafsiga aqoonta.