Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Shaacisay Fasaxa Ciidul-Adxaa Ee 1447 Hijriga

Tuesday May 26, 2026 - 19:06:02
hadhwanaagnews
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, shaqaalaha dhammaan wasaaradaha ...



Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay fasaxa munaasibadda Ciidul-Adxaa ee sannadka 1447 Hijriga, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha hay’adda.


 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, shaqaalaha dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ayaa fasax geli doona maalmaha Arbaca iyo Khamiista oo ku beegan 27-ka iyo 28-ka May 2026, halka shaqada si rasmi ah dib loogu soo laaban doono Sabtida 30-ka May 2026.


 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ayaa hambalyo u diray shaqaalaha dawladda, eheladooda iyo guud ahaan shacabka Somaliland munaasibadda Ciidul-Adxaa, isaga oo Alle uga baryay in ciidda lagu gaadho caafimaad, nabad iyo bashbash.

     
Loading...