Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo Sheegay In Israa'iil Keliya Ka Jawaabtay Baaqii Aqoonsiga Somaliland

Friday June 19, 2026 - 15:30:06
hadhwanaagnews
Israa'iil iyo Aqoonsiga Somaliland



Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dalkii keliya ee ka jawaabay baaqii aqoonsiga Somaliland ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u diray 193-ka dal ee adduunka.

 

Afhayeenka ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu ku baahiyey barta X (Twitter), kaas oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), isaga oo xusay in Israa’iil ay si geesinimo leh u aqoonsatay Somaliland xilli dalal badan oo caalamka ahi aanay weli sidaas samayn.

 

Israa’iil iyo Aqoonsiga Somaliland

 

Xuseen Deyr ayaa sheegay in markii dunidu ay qiri wayday xasuuqyadii loo geystay shacabka Somaliland, Israa’iil ay ahayd dal si cad u aqoonsaday xaqiiqooyinka taariikhiga ah ee Somaliland.

 

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in markii qaar ka mid ah dalalka caalamku ay iska indho tireen qaddiyadda Somaliland, Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada xaqa aayo-ka-tashiga iyo dawladnimada shacabka Somaliland.

 

Xidhiidh Ku Dhisan Dano Wadaag

 

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil aanu ku salaysnayn arrimo diimeed ama dhaqan oo keliya, balse uu ku dhisan yahay dano wadaag, iskaashi iyo is-ixtiraam labada dhinac ka dhexeeya.

 

Waxa uu xusay in labada dhinac ay leeyihiin waayo-aragnimooyin taariikheed oo la xidhiidha halgan, xasuuqyo iyo dedaallo ay ugu jireen xaqiijinta jiritaankooda iyo qaranimadooda.

 

"Waanu Jiraynaa”

 

Afhayeen Deyr ayaa sheegay in saaxiibtinimada Israa’iil aan lala simi karin cid kasta oo kasoo horjeedda jiritaanka Somaliland, isaga oo xusay in shacabka Somaliland ay si gaar ah u qadariyaan taageerada ay Israa’iil u muujisay dalkooda.

 

Ugu dambayn, waxa uu sheegay in Somaliland iyo Israa’iil ay si wadajir ah ugu jawaabayaan cid kasta oo kasoo horjeedda jiritaankooda, isaga oo ku soo gunaanaday hadalkiisa:

 

"Somaliland iyo Israa’iil waxay cod mideysan ugu jawaabayaan cidda kasoo horjeedda iyaga iyaga oo leh; Waanu Jiraynaa.”

     
Loading...