hadhwanaagnews
Alle ha u naxariisto Maxamed Cabdi Muuse (Taratare), oo ka mid ahaa Ciidamada Booliiska Somaliland, gaar ahaan qaybta Ilaalada Waddooyinka, ayaa goor dhoweyd ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Marxuumka ayaa ahaa sarkaal si weyn looga yaqaanay caasimadda, isla markaana ay jeclaayeen bulshada reer Hargeysa, iyadoo lagu xusuusto dabeecaddiisa debecsanaanta, akhlaaqda wanaagsan iyo sida uu ugu adeegayay bulshada.
Geeridiisa ayaa murugo ku abuurtay asxaabtiisii, ehelkiisii iyo guud ahaan shacabka, kuwaas oo ku tilmaamay inuu ahaa qof naxariis badan oo shaqadiisa si hufan u gutay.
Alle ha u naxariisto marxuumka, samir iyo iimaan na ha ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda uu ka baxay.