hadhwanaagnews
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Maxamed Geedi Caynaashe u magacaabay xubin ka tirsan Guddida Agaasinka Sare ee shirkadda DP World iyo Hay’adda Dekedaha Somaliland.
Magacaabistan ayaa la xidhiidha maamulka iyo hagidda arrimaha istiraatiijiga ah ee dekedaha Somaliland, gaar ahaan wada-shaqaynta ka dhaxaysa Hay’adda Dekedaha Somaliland iyo shirkadda DP World.
Maxamed Geedi Caynaashe ayaa laga filayaa inuu qayb ka noqdo hawlaha guddida iyo go’aamada la xidhiidha horumarinta iyo maamulka dekedaha, iyadoo dekedaha Somaliland ay door muhiim ah ku leeyihiin ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.
Magacaabista ayaa qayb ka ah tallaabooyinka lagu xoojinayo maamulka iyo hagidda hay’adaha ku shaqada leh dekedaha iyo adeegyada la xidhiidha ganacsiga iyo isku-socodka badeecadaha.