Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa oo shacabka ugu baaqay ka qaybqaadashada ololaha dhir-beerista

Saturday April 11, 2026 - 22:34:36
hadhwanaagnews
Waxa uu si cad u sheegay:



Hargeysa (Hadhwanaag News) – Xoghayaha Dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa, Mudane Mukhtaar Maxamuud Gaaxnuug, ayaa ku boorriyey shacabka reer Hargeysa inay si weyn uga qayb qaataan ololaha dhir-beerista ee la qorsheeyey in laga hirgeliyo magaalada.


 

Xoghayaha ayaa sheegay in maamulka Dawladda Hoose uu wado wacyigelin ballaadhan oo lagu dhiirrigelinayo bulshada, si loo helo magaalo cagaaran oo bilicsan isla markaana la jaanqaadda ilaalinta deegaanka.


 

Waxa uu si cad u sheegay:


"Shacabka reer Hargeysa waxa aan ogaysiinayaa in ay maalinta dhir-beerista ay si weyn uga qeyb qaataan.”

 

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha dhir-beerista, isaga oo xusay in Dawladda Hoose ay diyaarisay qorshe ay bulshada uga faa’iidaysan karto helitaanka geedo ay guryahooda hortooda ku beeraan.


 

Waxa uu tilmaamay in 15-ka bisha April, dhammaan sagaalka (9) degmo ee caasimadda Hargeysa ay dadweynuhu ka heli doonaan geedo, si ay uga qayb qaataan qurxinta iyo cagaaraynta magaalada.


 

Ololahan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato horumarinta deegaanka, kor u qaadista bilicda magaalada, iyo la dagaallanka saameynta isbeddelka cimilada.

     
Loading...