hadhwanaagnews
Maroodi-Jeex (Hadhwanaagnews.com): Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex, Prof. Axmed Maxamed Cadaad, ayaa safar kormeer iyo wacyigelin isugu jira ku tagay tuulooyin ka tirsan Degmada Sabawanaag, halkaas oo uu bulshada kula dardaarmay ilaalinta deegaanka iyo dhirta.
Kormeerka oo uu Guddoomiyaha ku wehelinayey Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolka Maroodi-Jeex ayaa diiradda lagu saaray la-dagaallanka dhuxulaysiga, ilaalinta dhirta iyo ka hortagga samaysanka deegaamayn cusub.
Guddoomiye Cadaad ayaa bulshada Degmada Sabawanaag u sheegay inaan la oggolayn in la sameeyo deegaamayn cusub, isaga oo sidoo kale ku boorriyey inay ka feejignaadaan jarista iyo gubista dhirta qoyan ee faa’iidada u leh bulshada iyo deegaanka.
Waxa uu yidhi:
"Degsiimo cusub lama oggola in la sameeyo.”
Guddoomiyaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo maamulka si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo ka hortagga falalka waxyeellada u geysanaya deegaanka.