hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa ka hadlay muhiimadda ay nabaddu u leedahay bulshada Somaliland, isaga oo shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda ay ku caano mareen.
Guddoomiye Muuse Xaaji Cabdi Ducaale ayaa bulshada ku adkeeyey in meel looga soo wada jeesto sidii loo ilaalin lahaa nabadda, isla markaana qof kasta uu qaybtiisa ka qaato dhowrista xasilloonida iyo wada-noolaanshaha bulshada.
Waxa uu yidhi:
"In nabadda la ilaashado, la iska kaashado oo meel looga soo wada jeesto, qof kasta dan baa ugu jirta.”
Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa sidoo kale xusay in nabaddu ay dan u tahay qof kasta, isla markaana ay laf-dhabar u tahay dawladnimada, xasilloonida iyo wada-noolaanshaha bulshada Somaliland.