Wasiir Barkhad oo Suldaanka Guud ee Makaahiil ugu baaqay inuu astaan u noqdo nabadda

Thursday August 20, 2026 - 15:21:34
xogbaahin.com
"Waxaan kugula dardaarmayaa in aad nabadda astaan u noqoto."



Dilla (Hadhwanaagnews.com): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa Suldaanka Guud ee Beelaha Makaahiil, Suldaan Maxamed Suldaan Saleebaan, kula dardaarmay inuu astaan u noqdo nabadda iyo isku haynta bulshada.

 

Wasiir Barkhad oo magaalada Dilla kaga qaybgalay munaasibadda caleema-saarka Suldaan Maxamed Suldaan Saleebaan ayaa sheegay in suldaanku muhiimad gaar ah u leeyahay ilaalinta nabadda iyo midnimada bulshada.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Waxaan kugula dardaarmayaa in aad nabadda astaan u noqoto.”

 

Wasiirka ayaa sidoo kale Suldaanka ugu baaqay inuu caddaalad ku maamulo bulshada uu suldaanka u yahay, isla markaana uu ka shaqeeyo isku haynta bulshada Somaliland, laga bilaabo bari ilaa galbeed.

 

Barkhad Jaamac Batuun ayaa sidoo kale ka hadlay kaalintii uu bulshada ku lahaa aabbihii Suldaan Maxamed, isaga oo xusay sida uu uga shaqayn jiray nabadda iyo xalinta arrimaha bulshada.

 

Wasiirka ayaa Suldaanka cusub kula dardaarmay inuu sii wado doorkii nabadeed ee qoyskiisu bulshada ku lahaa, isla markaana uu ka shaqeeyo nabadda, caddaaladda iyo wada-noolaanshaha bulshada.

     
Loading...