hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Kalfadhigii 12-aad, kulankiisii 1-aad ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hoolka Shirarka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, iyadoo kalfadhigan lagu lafa-gurayo arrimo muhiim u ah maamulka iyo horumarinta Caasimadda.
Ajandayaasha ugu muhiimsan ee kalfadhigan waxaa ka mid ah ansixinta Miisaaniyadda Dawladda Hoose ee Hargeysa ee sannadka 2027, taas oo muhiim u ah qorshaynta mashaariicda horumarineed iyo tayaynta adeegyada bulshada.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa 14 Mudane oo ka tirsan Golaha Deegaanka, halka 3 Mudane ay fasax rasmi ah ku maqnaayeen.
Inta uu kalfadhigu socdo, Golaha Deegaanka ayaa sidoo kale ka arrinsanaya dardargelinta mashaariicda horumarineed, hagaajinta nadaafadda iyo bilicda magaalada, horumarinta iyo dayactirka waddooyinka, nidaaminta dhismayaasha iyo qorshaynta magaalada, ilaalinta deegaanka iyo tayaynta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Golaha ayaa xoogga saaraya xoojinta isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka, iyo dardargelinta fulinta qorshayaasha horumarineed, si loo hubiyo in khayraadka Caasimadda si habboon loogu maareeyo danaha bulshada.
Kalfadhigan 12-aad ayaa noqonaya madal Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ku qiimaynayo hawlihii qabsoomay, ku dejinayo qorshayaal cusub, isla markaana ku ansixinayo miisaaniyadda sannadka 2027, taas oo saldhig u noqon doonta qorshayaasha iyo mashaariicda horumarineed ee Dawladda Hoose.
Ugu dambayn, Golaha Deegaanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Hargeysa noqoto Caasimad nadiif ah, bilicsan, qorshaysan oo leh horumar waara, iyadoo hawlaha Golaha lagu salaynayo danta guud iyo horumarinta adeegyada bulshada.