hadhwanaagnews

Gimbi, Itoobiya – Wararka laga helayo deegaanka Gimbi ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay gubeen gaadiid tiro badan oo shidaal siday.
Gaadiidka la weeraray ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad 40 gaadhi, kuwaas oo sida shidaal, waxaana la sheegay in dhammaantood lagu gubay deegaanka Gimbi.
Dhacdadan ayaa ka dhacday xilli qaybo ka mid ah Itoobiya ay ka jiraan xaalado amni oo cakiran iyo dhaqdhaqaaqyo kooxo hubaysan, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dhacdada iyo cidda si rasmi ah uga dambaysay weli lama helin.
Ilaa hadda ma cadda haddii ay jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka, waxaana sidoo kale aan la hayn faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta gaadiidka shidaalka loo bartilmaameedsaday.