xogbaahin.com
Fadhigii saaka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa mudaneyaasha lagu horgeeyey qabyo-qoraalka Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed.
Qabyo-qoraalkan ayaa waxaa soo diyaariyey Guddida Hoosaadka Arrimaha Dibedda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wakiillada, waxaana mudaneyaasha u soo bandhigay Guddoomiyaha Guddida.
Golaha Wakiillada ayaa sheegay in doodda ku saabsan qodobbada Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed ay bilaaban doonto fadhiga xiga ee Golaha.
Xildhibaanada ayaa la filayaa inay si faahfaahsan uga doodaan qodobbada iyo nuxurka qabyo-qoraalka xeerka, ka hor inta aan loo gudbin marxaladaha xiga ee ansixintiisa.