hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa muddo afar cisho ah ku banaysay waddo muhiim ah oo dhex marta Xaafadda State House, iyadoo meesha laga saaray dhismayaashii ku soo durkay waddada.
Waddada ayaa hadda si buuxda loo banneeyey, waxaana la sheegay inay diyaar u tahay in laga hirgeliyo jid laami ah.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu wax ka tari doono hagaajinta isku-socodka gaadiidka, fududaynta isu-socodka bulshada iyo kor u qaadista bilicda Xaafadda State House.