hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Mudane Cabdillaahi Maxamuud Beershiya, ayaa Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ka hor sheegay xaaladda adeegga biyaha caasimadda iyo halka uu marayo mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa.
Maareeyaha ayaa sheegay in Wakaaladda Biyaha Hargeysa ay adeegga biyaha gaadhsiiso ku dhawaad 35,000 guri iyo 357 goobood, iyadoo mudnaanta la siinayo helitaanka biyo nadiif ah, jaban oo joogto ah.
Waxa uu xusay in la dhamaystiray qaybo muhiim ah oo ka mid ah mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin qodista 7 ceel oo laga hirgeliyey Geed-deeble, dayactirka 9 ceel, dib-u-hawlgelinta 4 kayd-biyood iyo biyo-gelinta 15 xaafadood.
Maareeyuhu waxa kale oo uu sheegay in qorshayaasha Wakaaladdu ay ka mid yihiin dhamaystirka dayactirka dhuumaha biyaha ee Jeynuhu dhisay, iyo in si joogto ah looga hortago ciladaha ka dhasha ceelasha iyo mishiinnada, si loo xoojiyo adeegga biyaha ee caasimadda.
Warbixintan ayaa qayb ka ahayd warbixinnada ay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtidu ka soo ururisay hay’adaha kala duwan, iyadoo Golaha la wadaagay xaaladda adeegyada biyaha iyo horumarka laga sameeyey mashaariicda biyo-ballaadhinta Hargeysa.