HADHWANAAGNEWS
Maayar ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, Mudane Khadar Axmed Cumar (Khadar Nuur), ayaa shaaciyey in Dawladda Hoose ay horumar weyn ka gaadhay waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe intii ay xilka hayeen, isla markaana ay hadda si weyn u taagan tahay baahi loo qabo dugsiyo sare oo dheeraad ah.
"Dawladda Hoose ahaan waxbarashada hoose/dhexe wax weyn baanu ka qabanay,” ayuu yidhi Khadar Nuur.
Maayar ku-xigeenka ayaa maanta si rasmi ah dhul ugu wareejiyey Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, si loogu dhiso dugsi sare oo cusub oo laga hirgelinayo Degmada Axmed Macallin Haaruun—taas oo muddo dheer la daalaa dhacaysay baahi waxbarasho oo heer sare ah.
Mashruucan cusub ayaa la filayaa inuu si weyn u yareeyo culayska waxbarasho ee ka jira degmada, isla markaana uu fursado waxbarasho u furo boqolaal arday oo hore u waayay dugsi sare oo ay ku sii wataan waxbarashadooda.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah horumarinta waxbarashada caasimadda, iyadoo bulshada deegaanka ay si weyn u soo dhoweysay.