DEG DEG: Guurtida Somaliland oo Ka Hadashay Colaadaha iyo Sicir Bararka – Baaqyo Adag Oo La Diray

Saturday April 18, 2026 - 16:43:43
HADHWANAAGNEWS
Xildhibaanada Guurtida ayaa baaq nabadeed u diray beelaha


Fadhigii saaka ee Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa si qoto dheer looga dooday xaaladaha guud ee dalka, iyadoo diiradda la saaray arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin colaadaha ka jira Galbeedka Somaliland iyo saameynta dhaqaale ee dagaallada Bariga Dhexe.


 

Fadhigan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha, ayaa mudanayaashu dood dheer ka yeesheen qodobka xaaladaha dalka oo ka mid ah ajandaha 90-aad ee golaha, iyaga oo si gaar ah u falanqeeyey colaadda muddo ka socotay Galbeedka Somaliland.


 

Xildhibaanada Guurtida ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalamaya, iyaga oo ku boorriyey inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay qaataan nabad iyo wada noolaansho.


 

Sidoo kale, mudanayaashu waxay xuseen in xukuumaddu ay hadda ku jirto dadaallo miro dhal ah oo ku aaddan nabadaynta, isla markaana ay ku guulaysatay inay xakamayso sii fidaya dagaalka.


 

Dhanka kale, golaha ayaa si weyn uga dooday xaaladda dagaallada Bariga Dhexe iyo saamaynta dhaqaale ee ay ku yeesheen Somaliland, iyaga oo ganacsatada ugu baaqay inay ka naxaan bulshada oo ay hoos u dhigaan qiimaha maciishadda.

 

Gebo’gabadii, Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa bulshada ku dhiirrigeliyey inay ka faa’iidaystaan roobabka da’aya oo ay xoogga saaraan wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha, si loo yareeyo ku tiirsanaanta badeecooyinka dibadda laga keeno.

     
Loading...