HADHWANAAGNEWS
Agaasimaha Wacyigelinta iyo Abaabulka ee Komishanka Qaranka Xakamaynta HIV/AIDS, Barkhad Maxamuud Geedi, oo ay wehelinayaan Isu-duwaha gobolka Sanaag Nimco Cali Saleebaan iyo shaqaalaha komishanka, ayaa olole wacyigelin ah ka bilaabay deegaanada laga qodo dahabka ee gobolka Sanaag.
Deegaanada ay wacyigelintu ka socoto waxaa ka mid ah Cirshiida, Dhexyeeel, Dhidinka, Buuxaaga, Laasasurd iyo Cilaamato, halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo ka shaqeeya macdanta, kuwaas oo u baahan wacyigelin gaar ah oo ku saabsan cudurka HIV/AIDS.
Ujeeddada ololahan ayaa ah kor u qaadidda fahamka bulshada ee khatarta cudurka HIV/AIDS, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ka hortagga faafitaanka, ogaanshaha hore, iyo in la joojiyo takoorka loo geysto dadka la nool cudurka.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in wacyigelintani ay socon doonto muddo toddoba maalmood ah, isla markaana la gaadhsiin doono bulshada ku sugan goobaha macdanta laga qodo, si loo xoojiyo badbaadada caafimaad ee dadkaasi.
Ololahan ayaa imanaya xilli ay jirto baahi sii kordhaysa oo loo qabo wacyigelin caafimaad oo gaadha goobaha fogfog, gaar ahaan meelaha ay ka socdaan hawlaha macdanta oo ay isugu yimaadaan dad kala duwan.