Arrintaasi ayaa keentay in Ciidanka Boolisku qabtaan afarta eedaysane
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay afar eedaysane oo lala xidhiidhinayo dilkii marxuum Ibraahim Cabdilaahi Aar, kaas oo 5-tii Oktoobar 2026 ka dhacay deegaanka Kodayare ee degmada Laasgeel.
Taliyuhu waxa uu sheegay in odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka beesha Abokor Ciise ay dadaal dheer u galeen sidii eedaysanayaasha si nabad ah loogu soo wareejin lahaa laamaha amniga, balse ay diideen in la wareejiyo markii la keenay deegaanka Dacar-budhuq.
Arrintaasi ayaa keentay in Ciidanka Boolisku qabtaan afarta eedaysane, oo uu ku jiro nin ka tirsan ciidanka booliska, kaddib markii odayaashu booliska ka codsadeen inay tallaabo ka qaadaan. Eedaysanayaasha ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliska.
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan ayaa uga mahadceliyey odayaasha dadaalkooda nabadeed, isaga oo sheegay in boolisku ixtiraamay kaalintooda, balse wixii hadda ka dambeeya uu si buuxda u gudan doono waajibaadkiisa ku aaddan sugidda amniga gudaha.