HADHWANAAGNEWS
Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hawlgal qorshaysan oo ay sameeyeen ku soo qabtay saddex eedaysane oo lagu tuhunsan yahay inay dhac u geysteen laba haween ah, iyaga oo mobile-yo kaga qaatay agagaarka Biriishka Weyn ee magaalada Hargeysa.
Sida ay muujinayaan muuqaallo ay heleen Ciidamada Boolisku, eedaysanayaashan ayaa si toos ah ugu lug lahaa falkaasi, taas oo sahashay in si degdeg ah loo aqoonsado loona soo qabto.
Howlgalkan waxaa fuliyey Ciidamada Qaybta Mukhaadaraadka, kuwaas oo ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan eedaysanayaasha, iyadoo hadda loo diyaarinayo in si degdeg ah loo horgayno hay’adaha garsoorka dalka.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ugu baaqay cid kasta oo dhibane ka noqotay falalkan inay si degdeg ah u tagaan Saldhigga Dhexe ee magaalada Hargeysa, si loo dhamaystiro baadhista loona xaqiijiyo cadaaladda.
Dhacdadan ayaa muujinaysa dadaalka Ciidamada Booliska ee ku aaddan sugidda amniga magaalada, isla markaana lagu ciribtirayo falalka dhaca ah ee lagu waxyeeleeyo bulshada.