hadhwanaagnews
Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa kormeer shaqo ku maray gobollada galbeedka ee Awdal iyo Selel, halkaas oo uu muddooyinkii u dambeeyey ka waday dedaallo la xidhiidha nabadaynta laba beelood oo walaalo ah oo shaqaaqo ku dhex martay deegaannadaas.
Intii uu ku guda jiray kormeerka, Taliyuhu waxa uu si dhow u qiimeeyey xaaladda ciidanka iyo heerka amni ee fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee ku yaalla gobolladaasi, isaga oo hubiyey diyaar-garowga iyo hawlgalka ciidamada.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Lawyo Cado madaxda Gobolka Selel, oo ay ka mid ahaayeen Badhasaabka Gobolka, Maayirka Degmada Saylac iyo guddiga nabadgelyada. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta nabadaynta iyo soo afjaridda colaadda beelaha walaalaha ah ee ka jirta deegaannadaas.
Taliyuhu waxa uu sidoo kale fariin adag u diray bulshada, isaga oo caddeeyey in aan la oggolaan doonin qaadashada hub sharci-darro ah, islamarkaana cid kasta oo lagu qabto hub noocaas ah ay Ciidanka Qaranku kala wareegi doonaan.
Ugu dambayntii, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa u mahadnaqay bulshada ku nool gobollada Selel iyo Awdal, isaga oo ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen Ciidamada Qaranka, isla markaana ay u qaateen awaamiirtii dawladda ee la xidhiidhay xoojinta amniga iyo nabadda.