hadhwanaagnews
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Togdheer, Gaashaanle Sare Saleebaan Ducaale Warsame (Daga-cadde), ayaa bulshada gobolka Togdheer ugu baaqay inay ciidamada Booliska kala shaqeeyaan sugidda amniga inta lagu jiro munaasibadaha Ciidda iyo maalmaha farxadda.
Taliye Daga-cadde ayaa bulshada ku baraarujiyay muhiimadda ay nabadgelyadu u leedahay bulshada, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan wada shaqaynta amniga ee ay la leeyihiin ciidanka Booliska.
Waxa uu yidhi: "Bulshada Burco waxaan leeyahay, raasamaalka aynu haysannaa waa amniga aynu ilaashanno.”
Dhinaca kale, Taliyaha qaybta Booliska gobolka Togdheer ayaa hambalyo u diray qaar ka mid ah ciidamada Booliska gobolka oo la dalacsiiyay, iyo guud ahaan ciidankii helay dallacaadaha.