hadhwanaagnews
Magaalada Burco ayaa maanta martigelisay Bandhigga Buugaagta Burco (Burco Book Fair), kaas oo qabsoomaya markii shanaad oo xidhiidh ah, iyadoo ay ka soo qayb galeen qoraayaal, aqoonyahanno, arday, bahda waxbarashada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Bandhigga ayaa ujeeddadiisu tahay dhiirrigelinta akhriska, kobcinta dhaqanka buugga, horumarinta aqoonta iyo abuurista madal ay ku kulmaan qorayaasha, daabacayaasha iyo akhristayaasha.
Inta uu bandhiggu socdo, waxaa lagu soo bandhigi doonaa buugaag cusub, doodo aqooneed, muxaadarooyin iyo kulamo lagu falanqaynayo arrimo la xidhiidha waxbarashada, suugaanta iyo horumarinta bulshada.
Bandhigga Buugaagta Burco ayaa sannadihii u dambeeyey noqday mid ka mid ah munaasabadaha aqooneed ee ugu waaweyn Somaliland, isagoo door muuqda ka qaata kor u qaadista dhaqanka akhriska iyo dhiirrigelinta hal-abuurka qoraayaasha Soomaaliyeed.