HADHWANAAGNEWS
Burco (Hadhwanaagnews) – Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa ku guulaystay daminta dab qabsaday guri daar ah oo ku yaalla xaafadda Oktoobar ee degmada Sheekh Bashiir ee magaalada Burco.
Dabka ayaa qabsaday guri ka kooban shan qol, waxaana goobta ka hawlgalay ciidanka Dab-demiska, kuwaas oo ku guulaystay inay damiyaan dabka.
Wararka laga helayo dhacdadan ayaa sheegaya in aanu jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka qabsaday gurigaasi.
Ilaa hadda lama sheegin sababta rasmiga ah ee keentay dabka iyo inta uu le’eg yahay khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay.
Dhacdadan ayaa ku soo dhammaatay iyada oo aan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah, halka ciidanka Dab-demisku ay ku guulaysteen hawlgalkii daminta dabka.