hadhwanaagnews
Hargeysa — Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa ka qaybgalay xaflad lagu shaaciyay heshiis dhex maray shirkadaha Horn Petroleum iyo Vivo Energy, kaas oo la xidhiidha qaybinta Saliidaha Shell Lubricants.
Munaasabadda oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay heshiiska labada shirkadood, iyadoo lagu sheegay in uu yahay tallaabo muhiim ah oo dhinaca ganacsiga iyo tamarta ah.
Sida lagu shaaciyay xafladda, Saliidaha Shell Lubricants ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u soo galaya suuqyada Somaliland, iyadoo shirkadda Horn Petroleum loo magacaabay wakiilka rasmiga ah ee Saliidaha Shell Lubricants.
Heshiiskan ayaa la filayaa inuu fududeeyo helitaanka Saliidaha Shell Lubricants ee suuqa Somaliland, isla markaana uu xoojiyo iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya shirkadaha Horn Petroleum iyo Vivo Energy.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin iyo dhinacyada ganacsiga, iyadoo heshiiska lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta adeegyada iyo badeecadaha ka jira suuqa Somaliland.