Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Bilowday Olole Lagu Ilaalinayo Hantida Qaranka Iyo Dardargelinta Kirada Guryaha Dowladda

Thursday July 16, 2026 - 14:07:55
hadhwanaagnews
Shaqaalaha Waaxda Guriyeynta ee Wasaaradda ayaa bilaabay kormeerro ...

May be an image of one or more people and text


Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilowday olole lagu dardargelinayo bixinta kirada guryaha dowladda ee magaalada Hargeysa, si loo xoojiyo maamulka hantida qaranka iyo ilaalinta xuquuqda dowladda.


 

Shaqaalaha Waaxda Guriyeynta ee Wasaaradda ayaa bilaabay kormeerro iyo wacyigelin ay ka wadaan xaafadaha kala duwan ee caasimadda, iyagoo ugu baaqaya dadka iyo ganacsiyada ku jira guryaha dowladda inay si waafaqsan sharciga u gutaan waajibaadka kirada.


 

Wasaaraddu waxay sheegtay in ololahan uu qayb ka yahay qorshe ballaadhan oo lagu hagaajinayo maaraynta hantida dowladda, kor loogu qaadayo isla-xisaabtanka, lana xaqiijinayo in hantida qaranka si hufan looga faa’iideysto.


 

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa sidoo kale adkeeyey in dadaalladan lagu xoojinayo ilaalinta hantida guud iyo kobcinta dakhliga dowladda, si loo horumariyo adeegyada bulshada iyo maamulka hufan ee hantida qaranka.

May be an image of one or more people, road, street and text
May be an image of one or more people and text
May be an image of one or more people, the Western Wall, crowd and text

     
Loading...