Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Oo Qabatay Tababar Lagu Xoojinayo Badbaadada Nidaamyada Korontada

Thursday July 16, 2026 - 13:43:06
hadhwanaagnews
Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Cududda Shaqaalaha, Khaliid Yuusuf Faarax,...



Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xarunteeda ku qabatay tababar farsamo oo ku saabsan nidaamka Earthing iyo Lightning Protection System, kaas oo lagu horumarinayo aqoonta shaqaalaha iyo kor u qaadista badbaadada, tayada shaqada iyo ilaalinta kaabeyaasha korontada.

 

Tababarka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud, oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay kobcinta xirfadaha iyo aqoonta farsamo ee shaqaalaha si loo xaqiijiyo adeegyo tayo leh.

 

Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Cududda Shaqaalaha, Khaliid Yuusuf Faarax, ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay horumarinta kartida shaqaalaha, iyadoo si joogto ah u qabanaysa tababaro lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha farsamo.

 

Tababarka waxaa bixiyey Eng. Maxamed Cabdi (Gulleid), oo ah khabiir ku takhasusay nidaamyada korontada. Waxa uu ka qaybgalayaasha ku tababaray hababka casriga ah ee Earthing iyo Lightning Protection System, isaga oo sharaxay doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta dadka, qalabka iyo kaabeyaasha korontada, iyadoo la raacayo heerarka farsamo ee caalamiga ah.

     
Loading...