"Xukuumadda Waanu Difaacaynaa" — Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Taani

Thursday May 28, 2026 - 13:16:58
hadhwanaagnews
Taliyaha ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in waxa ugu muhiimsan



Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in ciidamada iyo shacabka taageersan xukuumaddu ay diyaar u yihiin difaaca dowladda iyo ilaalinta qarannimada Somaliland.


 

Taliyaha ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in waxa ugu muhiimsan ee laga sugayo Madaxweynaha ay tahay horumar iyo waxqabad shacabka anfaca.


 

"Xukuumadda waanu difaacaynaa. Meeshaad doonto ka dhac Madaxweyne, anagu in aad wax noo keento ayuun baanu kaa doonaynaa Madaxweyne,” ayuu yidhi Nuux Ismaaciil Taani.


 

Hadalkan ayaa muujinaya taageerada uu Taliyuhu u hayo xukuumadda iyo muhiimadda uu siinayo horumarka iyo adeegyada shacabka loo fidinayo.


 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa sidoo kale marar badan hore u adkeeyay doorka ciidamada ee ilaalinta amniga, xasilloonida iyo difaaca qaranka Somaliland.

     
Loading...