HADHWANAAGNEWS
Kulan afur ah oo ay si wadajir ah isugu yimaadeen hablaha saxaafadda iyo hablaha culimada ee dalladda Caynu Nasiixa ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, kaasi oo diiradda lagu saaray dhiirrigelinta barnaamijyada diiniga ah iyo sidii si wanaagsan looga faa’iidaysan lahaa bisha barakaysan ee Ramadaan.
Kulanka ayaa noqday mid ay ka muuqatay wada-shaqayn, is-dhiirrigelin iyo is-afgarad, waxaana si qoto dheer looga dooday doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin faafinta wacyiga diinta, gaar ahaan saxafiyiinta oo qayb weyn ka qaata baahinta barnaamijyada diiniga ah iyo fariimaha wacyigelinta bulshada.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa barnaamijyada diiniga ah ee warbaahinta, loogana faa’iidaysan lahaa fursadda ay bixiso bisha Ramadaan si bulshada loo gaadhsiiyo fariimo wax ku ool ah oo ku saabsan diinta iyo akhlaaqda.
Ugu dambayn, munaasibadda waxaa Shahaado Sharaf lagu guddoonsiiyay Saxafiyad Hoodo Maxamed Jaamac, taas oo lagu maamuusay dadaalka ay ku bixisay diyaarinta iyo baahinta barnaamijyada diiniga ah ee bulshada anfaca.