DEG DEG: Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Oo Hakisay Xafiisyo Nootaayo Ah Oo Ku Yaalla Hargeysa

Saturday April 25, 2026 - 14:46:57
HADHWANAAGNEWS
Xafiisyada la hakiyay waxaa ka mid ah Hage, Talosan, Bulsho


Wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa hakisay shaqadii qaar ka mid ah xafiisyada nootaayooyinka gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa, kadib markii lagu helay inay ku xadgudbeen Xeerka Nootaayooyinka (Xeer Lr. 18/2001), isla markaana ay buuxin waayeen shuruudihii sharciyeed ee looga baahnaa sida rukhsadda iyo diiwaangelinta.


 

Xafiisyada la hakiyay waxaa ka mid ah Hage, Talosan, Bulsho, Laha Dhiile, Maareeye, Caymis, Barwaaqo iyo Saami, waxaana si rasmi ah loo joojiyay dhammaan hawlahoodii laga bilaabo taariikhda go’aanka ay wasaaraddu soo saartay.


 

Wasaaradda Cadaaladda ayaa sheegtay in tallaabadan lagu ilaalinayo hufnaanta iyo kalsoonida adeegyada sharciyeed, iyadoo sidoo kale bulshada uga digtay inay ka fogaadaan adeegyada aan sharciga ahayn isla markaana ay la macaamilaan oo keliya xafiisyada si rasmi ah loo oggolaaday.

     
Loading...