hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Axmed-yaasiin Maxamed Faarax, ayaa sheegay in aan wali la dhamaystirin dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Borama ee Xaaji Daahir Stadium, inkasta oo wakhtigan uu ka socdo koob ciyaareed.
Wasiirka ayaa sheegay in garoonka ay wali ka dhiman yihiin hawlo badan oo dhisme iyo diyaarintiisa la xidhiidha, isagoo xusay in ciyaaraha hadda ka socda aan loo fasiran karin in garoonka si rasmi ah loo furay.
Axmed-yaasiin Maxamed Faarax ayaa sidoo kale shaaciyay in maanta si rasmi ah loo furayo Garoonka Kubadda Koleyga ee magaalada Borama.
> "Garoonka Xaaji Daahir Stadium waxaan furaynaa marka uu dhismihiisu dhammaado. Waxaan arkayay dad isku khaldayay oo furitaanka koobkan ka dhigayay furitaanka garoonka, balse wali waxyaabo badan ayaa u dhiman. Maanta se waxaan furaynaa Garoonka Kubadda Koleyga,” ayuu yiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.