Masuuliyiin Somaliland ah oo Magaalada Wajaale ku Soo Dhaweeyey Wefti ka Socda Finland

Saturday May 16, 2026 - 13:25:34
hadhwanaagnews
Weftiga ayaa si rasmi ah loogu qaabilay xuduudda u dhaxaysa Somaliland

 

May be an image of one or more people and text


Muuse Askar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Badhasaab Ku-xigeenka gobolka Gabiley iyo Xildhibaan Mursal ayaa magaalada Wajaale ku soo dhaweeyey wefti ka socda dalka Finland oo ka qayb-gelaya munaasibadda xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May.


 

Weftiga ayaa si rasmi ah loogu qaabilay xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo munaasibaddani qayb ka tahay diyaar-garowga iyo qabanqaabada dabaal-degga 18-ka May.


 

Masuuliyiinta soo dhoweynta ka qayb galay ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay ka qaybgalka marti-sharafta caalamiga ah ee munaasabadda xuska qaranimada Somaliland.

     
Loading...