Golaha Wakiillada Somaliland oo Loo Qaybiyey Wax-ka-beddelka Xeerarka Booliska iyo Maamulka Maaliyadda

Saturday June 06, 2026 - 19:05:49
hadhwanaagnews
Madaxweynaha oo Dib u Soo Celiyey Xeerarka



Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay Fadhigii 8-aad ee Kal-fadhiga 14-aad, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).


 

Fadhiga ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista laba xeer oo muhiim ah, kuwaas oo hore Golaha ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kaddib markii ay ansixiyeen.


 

Madaxweynaha oo Dib u Soo Celiyey Xeerarka

 

Intii uu fadhigu socday, Mudanayaasha Golaha waxaa loo qaybiyey wax-ka-beddelka iyo kaabista:

 

Xeerka Ciidanka Booliska Somaliland

Xeerka Maamulka Maaliyadda

 

Labadan xeer ayaa hore loo horgeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, hase yeeshee Madaxweynaha ayaa dib ugu soo celiyey Golaha si dib loogu eego qodobbo wax-ka-beddel iyo talooyin cusub xambaarsan.

 

Mudanayaasha oo Laga Codsaday Daraasad Qoto Dheer

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Mudanayaasha ku adkeeyey inay si qoto dheer u akhriyaan una daraaseeyaan qodobada wax-ka-beddelka ah ee Madaxweynaha soo jeediyey.

 

Waxa uu xusay in muhiim ay tahay in xildhibaanadu si fiican u fahmaan qodobada la beddelay ka hor inta aan loo gudbin marxaladda ansixinta.

 

U Diyaargarowga Ansixinta

 

Gabagabadii fadhiga, Guddoomiyuhu waxa uu Mudanayaasha ku wargeliyey inay si buuxda ugu soo diyaar garoobaan fadhiyada soo socda, kuwaas oo la filayo in lagu gorfayn doono laguna ansixin doono labada xeer.

 

Tallaabadan ayaa qayb ka ah habraaca sharci-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo u oggolaanaya Madaxweynaha inuu dib ugu soo celiyo Golaha sharciyada uu arko inay u baahan yihiin dib-u-eegis ama wax-ka-beddel dheeraad ah.

     
Loading...