hadhwanaagnews
Degmooyinka Axmed Macallin Haaruun iyo Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa ayaa xalay isu soo bax ballaaran ku qabtay Bariishka Dahabshiil ee xaafadda New Hargeysa, kaas oo qayb ka ahaa diyaar-garowga xuska 18-ka May.
Munaasibadda ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan, qeybaha bulshada iyo dadweyne aad u tiro badan, iyadoo halkaasi lagu muujiyey dareen waddaniyadeed iyo taageerada munaasabadda xuska maalinta qaranimada Somaliland.
Dadkii kasoo qayb galay isu soo baxa ayaa watay calamo iyo astaamo muujinaya dabaal-degga 18-ka May, waxaana goobta laga jeediyey hadallo dhiirrigelin iyo wacyigelin la xiriira muhiimada maalintaasi ku leedahay bulshada Somaliland.