hadhwanaagnews

Guddida Nabadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiin ka socday dowladda Boqortooyada Ingiriiska (UK), kuwaas oo kala ahaa Paul-Andre Wilton oo ka socday Safaaradda UK ee Kenya iyo Louise Hancock oo ah Madaxa Xafiiska Somaliland ee UK.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo UK, gaar ahaan dhinacyada nabadda, xasilloonida iyo amniga mandaqadda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha amni ee gobolka iyo doorka Somaliland kaga jirto ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo la adkaynayo wada shaqaynta labada dhinac.
Guddida Nabadda Qaranka Somaliland ayaa dowladda UK uga mahadcelisay taageerada ay siiso Somaliland, halka masuuliyiinta UK ay bogaadiyeen dedaallada Somaliland ee ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo sugidda amniga mandaqadda.