HADHWANAAGNEWS
Dawladda Israel ayaa qoraal ay soo saartay kaga warbixisay xaaladda khubarada dhinaca biyaha ee ka socday Somaliland, kuwaas oo tababar la xidhiidha horumarinta adeegyada biyaha ku qaadanaya dalkaas.
Xarunta tababarka ee MASHAV ayaa sheegtay in khubarada ka socota Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ay si habsami leh u wadaan tababarradii loogu talo galay, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta mashaariicda biyaha iyo xoojinta nidaamyada biyo-gelinta.
Sida ay xaruntu sheegtay, inkasta oo ay jiraan duruufo adag oo ka jira Israel oo ay ka mid yihiin xaalado dagaal, haddana khubarada Somaliland waxay muujiyeen dadaal iyo ka go’naan muuqata oo ku aaddan ka faa’iidaysiga aqoonta iyo tababarka la siinayo. Waxa kale oo la sheegay inay si joogto ah uga qayb qaadanayaan barashada iyo falanqaynta mashaariicda lagu horumarinayo nidaamyada biyaha.
Xarunta MASHAV ayaa sidoo kale ku ammaantay khubarada Somaliland sida ay uga go’an tahay sii wadidda waxbarashada iyo raadinta xalal waara, si kor loogu qaado adeegyada biyaha ee bulshada Somaliland.