HADHWANAAGNEWS
Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa ka hadlay nidaamka CG Model, oo ah hab lagu cabbiro laguna falanqeeyo xaaladda dhaqaalaha dalka.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in mustaqbalka Somaliland ay qorshaynayso inay qaadato oo hirgeliso nidaamkan, maadaama uu gacan ka geysan karo taageeridda go’aan qaadashada hoggaanka dalka, iyadoo la adeegsanayo xog iyo falanqayn dhaqaale oo sax ah.
Isaga oo arrintaas ka hadlaya ayuu yidhi:
"Mustaqbalka waxa aynu rajaynaynaa in aynu nidaamkan qaadanno oo hirgelinno, isaga iyo nidaamyada kale ee innoo sahli kara xoojinta sugnaanta iyo warbixinaha dhaqaalaha. Sidoo kale waxa ay inno oggolaan doontaa in hay’adaha dawladdu ka gudbaan malo-awaalka, isla markaana go’aannada ay madaxdu qaadanayso noqdaan kuwo ku salaysan xog ogaalnimo iyo cilmi-baadhis.”
Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu xusay in adeegsiga nidaamyada noocan ahi ay kor u qaadi doonaan hufnaanta falanqaynta dhaqaalaha, isla markaana ay ka caawin doonaan dowladda dejinta siyaasado dhaqaale oo ku salaysan xog dhab ah.