DEG DEG Wasiir Ku-xigeenka Duulista Somaliland oo Baaq u Diray Shacabka: "Hoggaanka Ha La Maqlo, Mukhaadaraadkana Ha Lala Dagaallamo"

Friday March 20, 2026 - 18:08:02
hadhwanaagnews
Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka ayaa ku baaqay in si wadajir....



Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inay maqlaan hoggaankooda, ilaashadaan amniga, isla markaana si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka.


 

Wasiir Ku-xigeenka oo maanta Salaadda Ciidul-Fidriga kula tukaday shacabka degmada Maxamed Mooge ee caasimadda Hargeysa, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wada shaqaynta bulshada.


 

"Umaddu markay is maqasho oo hoggaankeeda maqlaan faa’iidooyin badan ayay leedahay. Aynu isku duubnaano, nabadgelyada ka wada shaqayno," ayuu yidhi.


 

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka ayaa ku baaqay in si wadajir ah loo wajaho la dagaallanka mukhaadaraadka, isaga oo tilmaamay inay dhibaato weyn ku hayaan bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.


 

"Aynu la dagaallano mukhaadaraadka, ciidamada aan gacan siino, annaguna waan taageersanahay," ayuu raaciyay.


 

Hadalkan ayaa muujinaya dadaallada xukuumadda ee ku aaddan xoojinta amniga, midnimada bulshada, iyo ciribtirka mukhaadaraadka, si loo dhiso bulsho caafimaad qabta oo nabad ku wada nool.

     
Loading...