Cuqaasha Gobolka Togdheer oo Xukuumadda ugu Baaqay in Sharci lala Tiigsado Cidda Amniga Khalkhal Gelinaysa

Saturday March 07, 2026 - 12:38:06
HADHWANAAGNEWS
Waxay caddeeyeen in aanay marnaba taageeri doonin



Cuqaasha iyo madaxdhaqameedka Gobolka Togdheer ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay tallaabo sharci ah ka qaado cid kasta oo gobolka ka wada mudaharaado ama falal amniga lid ku ah.


 

Cuqaashu waxay sheegeen in dawladdu sidoo kale xaq u leedahay inay tallaabo ka qaaddo askari kasta oo ka tirsan ciidamadii la qarameeyey haddii ay ku lug yeeshaan qorshayaal ay ku tilmaameen kuwo khatar ku ah amniga.


 

Waxay caddeeyeen in aanay marnaba taageeri doonin falal amni darro abuuri kara, isla markaana aanay xukuumadda kala hadli doonin dadka ku lugta leh arrimahaas.


 

Sidoo kale, cuqaashu waxay waalidiinta ugu baaqeen inay si gaar ah ula socdaan ubadkooda, si looga hortago in dhalinyaradu ku lug yeeshaan falal wax u dhimi kara amniga iyo xasilloonida gobolka.

     
Loading...