HADHWANAAGNEWS
Badhasaabka gobolka Togdheer, Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), iyo ku-xigeenkiisa Siciid Axmed Raage, oo ay weheliyaan masuuliyiin ay ka mid yihiin isu-duweyaasha Caafimaadka iyo Biyaha iyo maareeye ku-xigeenka wakaaladda biyaha Burco, ayaa qaabilay wefti ka socday hay’adda UNICEF.
Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska guddoomiyaha gobolka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta u dhexeysa maamulka gobolka Togdheer iyo UNICEF, gaar ahaan dhinacyada:
Waxbarashada
Caafimaadka
Biyaha
Masuuliyiinta ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, si loo daboolo baahiyaha muhiimka ah ee shacabka gobolka.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa uga mahadceliyey hay’adda UNICEF taageerada joogtada ah ee ay siiso bulshada, isagoo carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la sii xoojiyo mashaariicda horumarineed ee wax ku oolka ah.
Kulankan ayaa muujinaya dadaallada socda ee lagu horumarinayo nolosha bulshada iyo adeegyada muhiimka ah, iyadoo la kaashanayo hay’adaha caalamiga ah.