hadhwanaagnews
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mukhtaar Xaaji Maxamed, oo safar shaqo ku marayay Gobolka Togdheer, ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray dhaam biyood weyn oo dib-u-dayactir ballaadhan lagu sameeyay deegaanka Bisiqa.
Mashruucan dib-u-dayactirka ah ayaa lagu fuliyay iskaashi u dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adda W.H.H, iyadoo lagu casriyeeyay dhammaan qaybaha muhiimka ah ee dhaamka si loo horumariyo helitaanka biyaha ee bulshada iyo xoolaha deegaanka.
Qaybaha la dayactiray waxaa ka mid ah bacda dhaamka, dararka ay xooluhu ka cabaan, kaydka biyaha (taangiga), nidaamka biyaha dibadda u soo saara, meelaha dadka ka dhaansadaan, goobta ay booyaduhu biyaha ka qaataan, nidaamka tamarta cadceeda (Solar System), iyo silig ilaalin ah oo looga hortagayo waxyeello ka timaadda xoolaha iyo dadka.
Munaasibadda xadhig-jarka ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda Oogada Sare, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Togdheer, iyo Xoghayaha Gobolka.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu si weyn uga qayb qaato horumarinta adeegyada biyaha ee deegaanka Bisiqa, isla markaana uu yareeyo caqabadaha la xidhiidha biyo la’aanta ee ay la tacaalayeen bulshada iyo xoolo-dhaqatada ku nool gobolka.