hadhwanaagnews
Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xamse Cabdiraxmaan Khayre, iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku marayay qaaradda Yurub, ayaa booqday safaaradda Somaliland ee dalka Sweden, halkaasi oo ay kulamo kula qaadeen xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan dalkaasi.
Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa ka warbixiyay booqashada Sweden iyo kulamada siyaasiga ah ee ay la yeesheen masuuliyiinta dalkaasi, isaga oo sheegay in ay jiraan xildhibaanno ay ka go’an tahay in Sweden ay taageerto aqoonsiga Somaliland.
Guddoomiye Khayre ayaa sheegay: "Waxa na qaabiley toban xildhibaan oo ay ka go’an tahay in aan Sweden ka hadhin aqoonsiga Somaliland.”
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in safaaradda Somaliland ee dalkaasi ay ka socoto shaqo ballaadhan, isaga oo bogaadiyay safiirka iyo shaqaalaha safaaradda doorka ay ka qaadanayaan hawlaha qaran ee ay dalka u hayaan.