Reuters: Shiinaha oo Sii Wada Mamnuucidda Dhoofinta Shidaalka ilaa Abriil

Wednesday April 01, 2026 - 02:44:50
hadhwanaagnews
Dalalka la filayo inay ka faa'iidaystaan sahaydan kooban waxaa ka mid ah:


Sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters, dowladda Shiinaha ayaa la filayaa inay sii waddo mamnuucidda dhoofinta shidaalka sifaysan ilaa bisha Abriil, inkasta oo laga yaabo in laga reebo qaddar kooban oo loo oggolaado dalal gobolka ka tirsan oo codsaday gargaar degdeg ah.


 

Wararka ayaa sheegaya in ay socdaan wada-hadallo ku saabsan dhoofinta tiro xaddidan oo ah:

 

Naafto

Shidaalka diyaaradaha

Baatrool

 

Qiyaasta la oggolaan karo ayaa u dhaxaysa 150,000 ilaa 300,000 metric ton, gaar ahaan dalalka Koonfur-bari Aasiya.

 

Dalalka la filayo inay ka faa’iidaystaan sahaydan kooban waxaa ka mid ah:

 

Bangladesh

Myanmar

Sri Lanka

Maldives

Vietnam

 

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in shirkadaha shidaalka ee dawliga ah ee Shiinaha ay si toos ah u maamuli doonaan rarista iyo gaadhsiinta shidaalka, iyadoo aan weli la fasixin iibka degdegga ah ee suuqa furan.

 

Mamnuucidda oo la dhaqan geliyay 12-kii March ayaa saamaysay noocyada kala duwan ee shidaalka, hase yeeshee qaar ka mid ah dhoofinta hore loo qorsheeyay ayaa weli socotay, iyadoo maraakiib ay ka mid yihiin Stavanger Pearl, Auchentoshan iyo Qian Chi ay qaadeen shidaal hore uga gudbay kastamka.

 

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jirto xiisad caalami ah oo la xidhiidha dagaalka Iiraan, taas oo sare u qaaday walaaca ku saabsan sahayda tamarta ee caalamka, halka Shiinuhuna muujiyay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dalalka gobolka si loo yareeyo yaraanta shidaalka.

     
Loading...