hadhwanaagnews
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khadka taleefanka ku yeeshay wada-hadal ay diiradda ku saareen xidhiidhka labada dhinac iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Israel.
Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil ayaa Madaxweynaha Somaliland iyo guud ahaan shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey munaasibadda 18-ka May iyo sannad-guurada 35-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Qoraal lagu baahiyey barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dhinac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil.
Wadahadalka ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid muujinaya xidhiidhka sii kobcaya iyo wada-shaqaynta labada dhinac, iyadoo ay labada hoggaamiye ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay iskaashi ku dhisan danaha labada dhinac iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo sii xoogaysta.